Somali News

Madaxweynihii hore Sheekh Shariif oo maanta gaaray Jowhar

Muqdisho-KNN-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa goor dhow gaaray magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle.

Sheekh Shariif ayaan dhowrkii sano ee la soo dhaafay aan tegin Jowhar, waxuuna socdaalkiisan ku soo aadayaa xilli uu magaaladaas ka socdo dhismaha dowlad goboleedka HirShabeelle.

Doorashada hey’adaha dastuuriga ah ee HirShabeelle ee ka socota Jowhar waxaa looga cabanayaa musuq maasuq baahsan oo hareeyey.

Waxaa jira tabashooyin xoog leh oo ay qabaan beelaha qaar, sidoo kale siyaasiyiin badan oo ka soo jeeda deegaanka ayaa aad u saluugsan hanaanka ay wax u socdaan.

Sheekh Shariif, ayaa Jowhar u tagay xal u raadinta tabashooyinka beelaha iyo inuu goobjoog ka noqdo doorashada HirShabeelle, sida ay noo sheegeen xubno ka ag dhow.