Somali News

Madaxweynihii Kyrgyzstan oo iscasilay ka dib todobaadyo deganaansho la’aan ah

Madaxweynaha Kyrgyztan Sooronbai Jeenbekov ayaa khamiistan maanta ah, ku dhawaaqay in uu iscasilay ka dib markii dalkaas uu ku jirey todobaadyo qas iyo fowdo ah.

Madaxweynaha wuxu sheegay in sababta uu go’aankan u qaatay ay tahay in uu baajiyo iska hor imaad dhex maraya ciidanka iyo banaan baxyaasha dal banayay in uu xafiiska baneeyo.

Xufalada madaxweyne Jeenbekov ayaa awoodda baarlamaanka la wareegay doorashadii dhacday affarta bishan October, hase yeeshee doorashadaas waxaa xigay banaan baxyo ugu dambeyn xukuumadda ku qasbay in ay waxba kama jiraan ka soo qaato natiijada doorashada.

Wuxuu ku baaqay in mucaarad iyo muxaafid loo midoobo sidii dalka loo badbaadin lahaa.