Somali News

Madaxweynihii Sri Lanka oo dalkiisa ka cararay

Madaxweynaha Sri Lanka Gotabaya Rajapaksa ayaa diyaarad militari uga baxsaday dalkiisa, iyadoo ay socdaan bannaan baxyo waaweyn oo looga cabanayo xasaradda dhaqaale ee dalkaasi ka taagan.

Ninkan 73 jirka ah ayaa gaaray caasimadda Maldives, ee Male, abbaaro 03:00 xilliga dalkaas (22:00 GMT), sida ay xogta ku heshay warbaahintu.

Bixitaanka Rajapaksa ayaa soo afjaraya xukunka qoyska tobnaan sano gacanta ku hayay talada Sri Lanka.

Wuxuu ku jiray dhuumaaleysi kaddib markii dad badan ay Sabtidii xoog ku galeen gurigiisa.

Madaxweynaha ayaa hore u sheegay inuu is casilayo Arbacada 13-ka July.

Walaalkiis, wasiirkii hore ee maaliyadda Basil Rajapaksa, ayaa sidoo kale dalkaasi ka tegay, sida ay ilo xog ogaal ah u sheegeen BBC-da. Waxaa la sheegay inuu ku wajahan yahay Mareykanka.

Iyadoo warka bixitaanka madaxweynaha uu qabsaday dalkaas, ayaa waxaa is qabsaday mashxarad iyo dabaal deg ay sameynayaan dadkii dibad baxayay.

Xalay kumannaan kun oo qof ayaa isugu soo baxay beerta Galle Face Green, oo ah goobta ugu weyn dibadbaxa ee caasi,adda, Colombo