Somali News

Madaxweynihii wadanka Sri Lank oo si rasmi ah isku casilay

Afhayeenka baarlamaanka Sri Lanka ayaa warqadda iscasilaadda ka guddoomay madaxweyne Gotabaya Rajapaksa iyadoo la soo marsiiyay safaaradda dalkaasi ku leeyahay wadanka Singapore.

Mahida Yapa Abeywardene ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqi doona warqada loo soo gudbiyay jimcaha, ka dib markii uu hubiyo saxnaanta dukumeentiga iyo in uu buuxiyay dhammaan shuruudaha sharciga ah.

Madaxweynahii Srilanka Mr Rajapaksa oo Arbacadii u baxsaday  Jasiirada Maldives ayaa waxaa uu wajahaya eedo la xiriiro lunsiga xoolo dadwayne iyo ku takri fal awood, kuwaasi oo sababay in dalkaasi ay ka dhacaan Bannaanbaxyo xooggan.