Somali News

Madaxweyne Qoor Qoor oo gaaray deegaanka Bandarqaali

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa safar dhanka dhulka ah ku aaday deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud.

Madaxweynaha ayaa safarkiisa waxaa ku wehliya qaar ka mid ahxildhibaannada maamulka Galmudug  xildhiaanno ka tirsan baarlamaanka dawlada Soomaaliya iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne Axmed Qoor Qoor ayaa waxa uu safarkiisa maanta ee dhanka dhulka ah waxa uu ku gaaray deegaanka lagu magacaabo Bandarqaali ee dhaca Bariga gobolka Mudug.

Wafdiga uu hoggaaminayo madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa waxaa deegaankaasi kusoo dhaweeyay maamulka deegaanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada deegaanka.

Safarkan ayaa qayb ka ah safaro uu ku marayay qaar ka tirsan deegaannada iyo degmooyinka hoos taga gobolka Galgaduud.