Muqdisho-KNN-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la sheegay in uu u yeeray Madaxda ugu sareysa Maamulka Galmudug oo khilaaf Culus u dhaxeeyo Mudooyinkii la soo dhaafay kaas oo saameeyay dhamaan dhamaan Shaqooyinkii Maamulkaasi.
Warar ay heshya Idaacadda Kulmiye ayaa xaqiijinaya in madaxweyne Farmaajo u yeeray Guddoomiyaha Baarlamaanka Guddoomiye ku xigeynka 2aad iyo Madaxweyne Ku xigeynka Maamulka Galmudug iyo Sidoo kale Madaxweynaha Galmudug ee Shirka ka qeyb galaya iyo Guddoomiye ku xigeynka 1aad ee Baarlamaanka Maamukaasi.
Cali Gacal Casir Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo ay la xariirtay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in Muqdisho looga yeeray Balse uusan ogeyn sababta loogu yeeray waxa uuna muqdisho soo garaya Maalinta Biri ah sida ay wararka aan helnay noo xaqiijiyeen.
Sidoo kale Madaxtooyada Galmudug ayaa xaqiijisay in ay jiraan wararka sheegaya in dhax-dhaxaadin loogu qaban doono Magaalada Muqdisho Madaxda ugu sareysa Galmudug oo khilaaf culus oo kala dhax galay muddo ka badan 40 Cesho.
Arintaan ayaa meesha ka saareyso hadalo ka soo baxay Madaxda Galmudug,qaar ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya iyo Odayaasha dhaqanka qaar kood kuwaas oo Dowladda ku eedeeyay in ay dumineyso Maamulka Galmudug.
Madaxweyne farmaajo ayaa ku dadaalayo sidii uu xal waara u dhax dhigi lahaa hogaamiyaasha Galmudug ee isku fahmi waayay go’aankii Dowladda dhexe lagu hareer maray ee Xiisada Khaliijka kadibna iyaga Muran siyaasadeed iyo Khilaaf culus ka dhax Abuuray.