Muqdisho-KNN-
Magaalo ku taalla dalka Libya ayaa waxaa laga helay xabaal wadareedyo ay ku aasan yihiin meydad aan cidi aqoonsanin.
Xabaal wadareedyadan ayaa waxa ay sheegtay dawlada Libya in ay ku kala yaallaan ilaa Siddeed goobood oo kala duwan, waxaa ay sidoo kale sheegtay in meydadkaasi ay yihiin dad aan la aqoonsanin.
Magaaladan ayaa waxaa lagu magacaabaa Tarhuna, waana magaalo ay dawlada Libya dhawaan kala soo wareegtay xooggaga mucaaradka dalkaasi, ee uu hoggaamiyo Generel Khaliif Haftar.
Dawlada Libya oo kaashanaysa qubaro heer caalami ah iyo Qramada Midoobey, ayaa waxa ay sheegtay in ay baaritaan ku samayn doonaan meydadkan, oo loo maleynayo in ay yihiin dad ay laayeen ciidamada daacadda u ah General Haftar.