Somali News

Mahad Salaad oo magacaabay Taliyaha NISA ee Gobolka Banaadir

Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugida Qaranka, Mahad Maxamed Salaad ayaa caawa magacaabay Taliyaha Hay’adda ee Gobolka Banaadir.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Agaasimaha NISA ayaa waxaa Muxyadiin Warbac Shadoor loogu magacaabay talyaha Hay’adda Nabad Sugida ee u qaabilsanaan doona Gobolka Banaadir.

Talye Muxyadiin ayaa ah sarkaal muddo dheer ku soo jiray Hay’adda Nabad Sugida, waxaana u yaallo howlo muhiim ah oo la xiriira ka qeyb qaadashada sugida Amniga Magaalada Muqdisho.

Agaasimaha Hay’adda NISA, Mahad Salaad ayaa wada isbadalo uu ku sameynayo hoggaan qeybaha kala duwan ee Hay’adda oo shantii sanno ee la soo dhaafay ku milantay Arrimaha Siyaasadda dalka.