Somali News

Mahad Salaad oo uga jawaabay Mahdi Guuleed dhaleeceyntiisii bayaanka musharaxiinta

Muqdisho-KNN-Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa si adag uga jawaabay qoraal uu soo saaray ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed.

“Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa CIIRTAADA DHAME AYAA CAYDAADA YAQAANA. Waa nasiib daro Mahdi Gulled oo dad iyo duunyo ka arradan, shaqada kaliya ee Xamar uu u joogana ay tahay guulwadeynta Farmaajo iyo dullaynta dadka uu ka dhashay in uu caawa sidaas noogu daacdaacsado!” ayuu qoraalkiisa ku yiri Mahad Salaad.

Qoraalka uu ka jawaabayey ee Mahdi Guuleed ayaa u dhignaa sidan, “Waxa aan aad ula yaabay qoraal sida la sheegay ka soo baxay mas’uuliyiin ku isman murashaxiinta Madaxweynaha ee doorashada 2020/21. Qoraalkaas oo lagu duraayo Guddiyada Doorashooyinka, waxaa ka muuqday kalsooni-darro, quus iyo niyadjab.”

Qoraalka Mahad Salaad ayaa intaas ku sii daray “Gulledow Xamar waxay caan ku tahay “KORISO, KIBRISO iyo KUFISO” waxaan ku leenahay NIMAAN KUU FURI DOONIN YUUSAN KUU RARIN. Farmaajo waa tagay ee dadkaaga haka dhex bixin!”

Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya Mahdi Guuleed iyo Xildhibaan Mahad Salaad ayaa qoraaladan ay isugu jawaabayeen ku baahiyey barahooda Facebook-ga.