Somali News

Mahdi Guuleed oo guddoomiyaha Aqalka Sare ku tilmaamay hoggaamiye mucaarad ku ah dowladda

Muqdisho-KNN-Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ka hadlay khilaafka ka dhashay soo magacaabidda xubnaha guddiyada doorashada iyo xalinta khilaafaadka ee gobollada waqooyi, waxuuna weerar afka ah ku qaaday guddoomiye Cabdi Xaashi.

Mahdi Guuleed ayaa guddoomiyaha Aqalka Sare ku tilmaamay hoggaamiye mucaarad ku ah dowladda oo wiiqay awoodii sharci dejinta sanadihii u dambeeyana soo saarayey “qoraallo is-daba joog ah oo uu uga soo horjeedo shaqada socota iyo doorashada dalka” ayuu yiri.

Mahdi Guuleed ayaa sababta muddoyinkan aysan u kulmin golaha Aqalka Sare ku macneeyey khilaafka madaxtooyada kala dhaxeeya Cabdi Xaashi, waxuuna tilmaamay in sharciyo badan oo muhiim ah ay baaqdeen.

“Wuxuu sidoo kale hoos u dhigay golihii Sharci dejinta oo muddo ma aysan kulmin oo qeylo-dhaantooda waad ogeyd, shirarkii loo baahnaa ma dhicin,” ayuu yiri Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Guuleed.

Hadalka Mahdi Guuleed waxuu ku soo aadayaa, iyadoo guddoomiye Cabdi Xaashi uu si adag uga hor yimid soo magacaabista ra’iisul wasaare Rooble ee xubnaha guddiyada doorashada iyo xalinta khilaafaadka ku metelaya gobollada waqooyi ee Somaliland.

Guddoomiye Cabdi Xaashi diidmadaas waxaa ku taageeray inta badan siyaasiyiinta mucaaradka ah ee dalka, kuwaas oo ay ugu dambeysay Madasha Xisbiyada Qaran oo qoraal xalay ka soo baxay ku sheegtay in ra’iisul wasaare Rooble uusan sharci u laheyn soo magacaabidda xubnaha guddiyadaas ku metelaya Somaliland.