Sports

Maku biiray Tiemoue Bakayoko Ac Milan?

Muqdisho-KNN-Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Chelsea Tiemoue Bakayoko ayaa lagu soo waramayaa inuu dhameystiray heshiis amaah ah oo uu ugu biirayo xilli ciyaareedkan kooxda AC Milan.

23 jirkaan ayaa ku biiray Chelsea xagaagii lasoo dhaafay, lakiin waxa uu ku dhibtooday inuu ku noolaado England lana qabsado kooxda Chelsea, inkastoo uu ciyaaray 43 jeer sannadii 2017-18.

Warar rasmi ah ayaan wali ka imaan labadda kooxood, laakiin Sky oo kasoo baxda Talyaaniga ayaa soo warinaysa inay heshiis la gaartay Bakayoko Ac Milan.

Heshiiska ayaa la fahamsan yahay inuu ku jiro qorshe uu ku iibsan karto kokxdu lacag dhan 35.6 milyan ginni xagaaga soo aadan haddii Milan ay dooneyso inay ku sii heyso San Siro muddo ka badan 12ka bilood amaahda ah.

Bakayoko laguma darin kooxda Chelsea ee wajaheysa Huddersfield Town maalintii furitaanka horyaalka Premier League.