Muqdisho-KNN-Dowladda Hindiya ayaa daabacday Liiska muwaadinnimadda looga saaray Afar million oo ruux oo dagan Gobolka Woqooyi Hindiya ku yaala ee Assam.
Diiwaanka Qaran ee Muwaadiniinta ee la waabacay waa liis ay ku qoran yihiin Dadka Cadeeyn kara in ay gobolka yimaadeen 24kii march 1971 kii, illigaas oo bangladhesh la aasaasay.
Hindiya waxay sheegtay in hanaankaan loogu talo glay in lagu saaro muhaajiriinta sharci daradda ah ee bangaladhesh u dhashay.
Laakiin arrintaan ayaa waxay Abuureeysaa cabsi ah in Dowladdu ay si gooni u bartilmaameedsaneeyso Dadka laga tirade badanyahay ee gobolka Assam ku nool.
Masuuliyiinta Gobolka oo ka baqay in arrintaan ay rabshado horseedo ayaa sheegay in aysan jirin dib u celin deg-deg ah.
Sikstaba, masuuliyiintu waxay sheegeen in Hanaanka Codsigu uu yahay mid la heli karo wali.


