Somali News

Malaayiin muslimiin ah oo maalinta 1-aad ee bisha Ramadan Sooman.

Muqdisho-KNN-Inta badan caalamka islaamka ayay maanta u tahay maalinta 1-aad ee bisha Barakaysan ee Ramadaan sanadda 1440 Hijriyah. 

Malaayiin qof muslimiin ah ayaa gudanaya waajibka soonka oo kamid ah tiirarka islaamka,maadaama dowladda Sacuudiga ay xalay si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay bilaabatay bisha Ramadaan.

Dhammaan dowladaha Khaliijka carabta ayaa iyana iclaamiyay in maanta ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan.

Wadamada muslimiinta ee qaaradda Afrika oo soomaaliya ay kamid tahay iyana maanta waa laga soomanyahay.

Sidoo kale waxaa maanta aan laga soomneen deegaanada ka tirsan Galmudug.