Somali News

Malaayiin Muslimiin ah oo maanta taagan Banka Carrfo.

Muqdisho-KNN-Maanta oo ay ku beegantahay maalinta Sagaalad ee bishaan Carafo ayaa ku dhawaad labo malyan oo qof waxa ay u istaagayaan gudashada waajibaadka Xajka, kuwaas oo in ka badan hal malyan iyo 800 oo qof oo gudanaya tiirka shanaad ee ka midka ah tiirarka Islaamka ay kasoo xajiyeen dalalka caalamka, in ku dhaw hal malyan oo ruuxna ay ka xajinayaan gudaha boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Dadka Soomaaliyeed ee ka baxay gudaha dalka ayaa gaaraya 11-kun oo ruux, kuwaas oo ay u suurt gashay in sanadkaan ay soo gutaan axmaasha Xajka, halka dadka aysan u suura galin inay soo xajiyaana ay intooda badan ay maanta soomanyihiin.

Dalka Iiraan oo ay ku noolyihiin Shiicada ugu badan dunida Islaamka ayaa sanadkaan aysan jirin wax Xujey ah oo kasoo xajinaya sanadkaan.

Iiraan ayaa sanadkii lasoo dhaafay waxaa kasoo xajiyey in 60,00 oo ruux, balse sanadkaan ayey ku adkeysatay hadal uu jeediyey hoggaamiyahooda ruuxiga ah Aayatu-laah Cali Qumayni oo ahaay in Xujey ka socota Iiraan aysan tagi doonin Xajka hadii aan maamulkiisa laga warejin voqortooyada Sucuudi Carabiya.

Iiraan ayaa Sucuudiga ku eedeysay qaabka ay u wajahay shaqaaqo ay ku dhinteen oo sanado ka hor ku dhacday Muslimiin iyagu gudanayey acmaasha Xajka.