Somali News

Malaayiin muslimiin ah oo maanta taagan buurta Carafo

Maanta oo ku beegan 9-ka Carafo ayaa malaayiin Muslimiin ah oo isaga kala timid dunida daafaheeda waxa ay taaganyihiin Buurta Carafo.

Xujeyda ayaa gudanaya mid kamid ah arkaanta ugu muhiimsan ee xajka oo ah rugniga labadaad istaaga buurta Carafo.

Muslimiinta ayaa saaka subixii hore gadaadiidka basaska ah looga soo qaaday magaalada Mina.

Xujeyda sanadkaan alle uu u suurtagaliyay in ay xajka gutaan ayaa taagnaan doona Buurta Carafo ilaa gabaldhaca caawa.

Dhinaca kale muslimiinta kale ee aan sanadkaan xajineeynin ayaa sooman maanta maadaama Nabiga CSW uu ku sheegay in Soomka Carafo lagu dhaafo dunuubta Sanadkii hore iyo kan Soo socdo.