Uncategorized

Malaayiin xujey ah oo maanta ku Cibaadeysan doona Banka Carafa.

Muqdisho-KNN-Malaayiin xujey ah ayaa maanta ku cibaadeysan doona buurta Carafa si ay u gutaan waajibka ugu weyn ee xajka,Xujeeyda ayaa taagnaan doona banka carrafa waxayna taagnaan doonaan ilaa qoraxda ay ka dhacdo maanta.

Culimaa’udiinka ayaa sheegaya in gudashada waajibaadka xajka ay tahay tiirarka ugu weyn ee islaamka.

Maalaayiin kale oo kunool daafaha caalamka oo aan u suuro galin ayaa iyana bilaabay in ay soomaan taasi oo qeyb ka ah gudashada cibaadada waqtigan, kuwaasi oo eebe ka rajaynayo in uu siiyo dembi dhaaf badan.

Dhanka kale Dowladda  Sucuudigu ayaa sheegtay in ay sannadkan dib u celisay ku dhawaad 400,000 oo qof oo aan sidanin waraaqo rasmi ah oo ay ku geli karaan dalka si ay u gutaan waajibaadka Xajka.

Sannadkan dadka laga celiyey waxa ka mid ah xujayda Iran ee sannadkii hore qaadacay Xajka markii dawladoodu sidaa ka codsatay, ka dib khilaafkii Sucuudiga iyo dalkooda ee ay isku maan dhaafeen shilkii Xajka ka dhacay 2015-kii ee 2300 qof ku dhinteen.

Sanadkaan Sanadkii ka horeeyay ayaa Xejka waxaa ku dhintay dad badan oo Xujey ah kuwaas oo u badnaa Muwaadiniin u dhashay Dalka Iiraan.