Somali News

Malaysia oo dalkeeda ka tarxiileysa dadkii ugu badnaa

Kuaala Lampur-KNN- Dawladda Malaysia ayaa dalkeeda ka musaafurinaysa in ka badan kun ruux oo Muslimiinta Burma ah kadib markii maxkamadi amartay in dalkooda dib loogu celiyo

Dad tiradoodu gaarayso 1,086 ruux oo u dhashay dalka Burma hase ahaatee markii hore naftooda kala cararay ayay xukuumadda Malaysia sheegtay in wadankooda dib loogu celinayo.

Dadkaan qaxootiga ah ayaa waayay sharciga ay dalkaas ku joogayaan waxaana maxkamad dalkaas ku taala amartay in wadankooda dib loogu celiyo.

Falkaan waxaa aad u cambaareeyay hay’adaha u dooda xaquuqda aadanaha oo ka digaya in nolosha qaxootigaan ay halis geli karto haddii dib loogu celiyo dalka Burma oo ay markii hore kasoo qaxeen.