Uncategorized

Maleeshiyaad dad Xoolo dhaqato ah ku dilay Bariga Gobalka Mudug.

Gaalkacyo-KNN-Dilal Salka ku haayo Aanooyin qabiil oo u dhaxeeyo Maleeshiyo Xoolo dhaqato ah ayaa saacadihii la soo dhaafay Ka dhacay Bariga gobalka Mudug ee Bartamaha Soomaaliya.

Warar ay heshay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegayo in Koox hubeysan oo ah Maleeshiyo Xoolo dhaqato ah ay weerar ku qaadeen Gaari maraayay Agagaarka deegaanka Godod ee Bariga gobolka Mudug.

Weerarka Gaariga lagu qaaday ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 3 qof oo shacab ah waxaana sidoo kale ku dhaawacmay Labo qof  sida ay sheegeen Saraakiisha Caafimaadka.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulada Puntland iyo Galmudug oo aan la xariirnay ayaa ka gaabsaday in ay faah faahin ka bixiyaan weerarkii ka dhacay deegaanka Godod balse waxay sheegeen in uu weerarkaas jiro.

In xal loo helo dagaal Beeleedka iyo Dilalka qorsheysan ee ka taagan gobalka Mudug, ee u dhaxeeya Beelaha ka soo kala jeedo Galmudug iyo Puntland ayaan aheyn wax fudud markii loo eego dadka la rabo in xal laga dhax dhaliyo oo ah Xoolo dhaqato hub loo dhiibay oo aan cidna ka amar qaadan iyo Labada maamul oo lagu eedeeyo in iyagoo aan heshiis aheyn ay doonayaan in ay heshiisiiyaan dad aysan maamulin.