Somali News

Maleeshiyaad hubaysan oo la wareegay xabsiga weyne ee waqooyiga Gaalkacyo

Gaalkacyo-KNN-Waxaa faahfaahino dheeraad ah laga helayaa maleeshiyaad hubeysan ayaa saakay xoog kula wareegay xabsiga dhexe ee magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug qeybta ay maamusho Puntland.

Arintaan ayaa ka dhalatay ruux ay ciidamada booliska Puntland ku xireen xabsigaas, kadib markii sida la sheegay uu soo dacweeyay wasiir ka tirsan xukuumadda Madaxweyne Dani.

Ragga la wareegay saldhigga oo u abaabulnaa qaab beeleed ayaa la sheegay inay dalbanayeen in la sii daayo qofka la xiray, waxayna mudo kooban gacanta ku hayeen xabsiga weyn ee magaalada Gaalkacyo.

Wararkii u dambeeyay ee aan ka heleyno waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa waxay sheegayaan in xiisadu ay wali ka taagantahay halkaas, isla markaana meel aan ka fogeyn saldhigga ay isku hor fadhiyaan ciidama booliska Puntland iyo kooxda hubeysan.