Somali News

Maleeshiyaad ku dagaalamay dhulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya

Muqdisho-KNN-Inta la ogyahay 8 ruux ayaa ku geeriyootay , halka tiro intaa k badana ay ku dhaawacmeen kadib markii dagaal uu ka dhacay deegaanka miir qalife ee dowlad deganka somalida itoobiya

Dagaalka  ayaa waxaa uu  u dhaxeyay labo maleeshiyo beeleed oo wada daga deganka miir qaliif.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dagaalka ay ka qayb qateen ciidamada gaarka ee liyuu police ka ee dowlad deganka somalida ,wallow aysan jirin warar madax banan oo xaqijinaya

Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in xiisad colaadeed ay saakay ka taagan tahay deegaanka Miir Qaliife ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya.

Cabsi badan ayaa soo wajahday shacabka degan deegaanka Miir Qalife ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, taasi oo ku aadan in korkooda lagu dul dagaalamo.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay madaxda Dowlad deegaanka Soomaalida itoobiya, kaas oo ku aadan in ay faahfaahin ka bixiyaan dagaalkaasi.

Inta badan dhulka dowlad deegaanka Soomaalida itoobiya ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca dagaal u dhexeeya labo maleeshiyo beeleed, kaasi oo sababa dhimasho iyo dhaawac.