Somali News

Maleeshiyaad ku dagaalamay G/Sh.Dhexe.

Muqdisho-KNN-Wararka Saakay ka imaanaya  Tuulada la yiraahdo war kulan oo u dhexeysa Warsheekh iyo degaanka  Raage Ceelle ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in halkaasi ay ku dagaalameen maleeshiyo Beeleedyo, kaasi oo uu ka dhashay Khasaare kala duwan.

Dadka Degaanka ayaa sheegaya in degaanka Dhaalo, oo hoostaga Degmada Raaga Ceelle ay ka mid tahay meelaha ay dagaallada ka socdaan.

Waxaa ay sheegeen  in Labo Beelood oo walaalo ah ay halkaasi ku dagaallamayaan labadii maalmood ee la soo dhaafay.

Sidoo kale Waxaa jirta in xiisad ay ka taagan tahay degaanka Dhaalo, iyadoona la soo wariyay in maleeshiyaadka ay iska gubeen Guryo iyo beero ku yaala deegaankaasi.

Weli wax war ah  kama soo bixin  Maamulka Hirshabelle in ay faahfaahin ka bixiyaan Dagaalkaasi.