Somali News

Maleeshiyaad ku dagaalamay Gobalka Sanaag.

Muqdisho-KNN-Dagaal geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa laba maleeshiyo beeleed waxaa uu ku dhexmaray deegaan hoostaga degmada Ceel-Afweyn ee Gobolka Sanaag.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka Duud-carraale oo ku yaalla Galbeedka Gobolka Sanaag.

Inta la xaqiijiyay 5 qof ayaa ku geeriyootay, halka sedex kalana ay ku dhaawacmeen, kadib markii halkaasi ay ku dagaalameen labo maleeshiyo beeleed wada dega deegaankaasi.

Cabdiraxiin Yuusuf Axmed Guddoomiyaha deegaanka Ceel-Afweyn ayaa  sheegay in maleeshiyaadkaas dagaalamay  horay heshiis loo kala dhex-dhigay, hayeeshee ka maamul ahaan aysan awood u laheyn xilligaan in ay kala dhex galaan.

Wararkii ugu dambeeyay laga helayo degmada Ceel-Afweyn ayaa sheegaya in saakay in Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga iyo  Booliska Soomaaliland ay ku bixeen daminta colaada ka soo cusboonaatay degaan hoostaga degmada Ceel-afweyn.