Somali News

Maleeshiyaad maanta isku horfadhiya G/Sool

Muqdisho-KNN-Wararka ka imaanaya  Magalada laas-Caanood ayaa sheegaya in maanta ay xiisad ka taagan tahay duleedka Magaaladaasi, kaasi oo u dhexeeya labo maleeshiyo beeleed.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in maleeshiyaadka ay isku horfadhiyaan duleedka Magaalada laas-caanood ee Gobalka Sool, islamarkaana waxaa la sheegay in ay isku-heystaan dhul deegaankaasi ku yaalla, iyaga oo ku hubeysan hubka noocyadiisa kala duwan.

Saraakiisha Soomaaliland ee ku sugan Gobalka ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in ay ku raja weyn yihiin sidii ay wax ugu qaban lahaayeen xiisada ka taagan duleedka Magaalada laas-caanood ee Gobalka Sool.

Arrintan ayaa waxaa ay ku soo beegmaysaa xilli wali xiisad ay u dhaxeysa Soomaaliland iyo Puntland ay ka taagan tahay deegaano ka tirsan gobolka Sanaag.