Somali News

Maleeshiyaad Macalin iyo Dhaqtar walaalo ahaa ku dilay deegaan hoos yimaada Guriceel

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Maleeshiyaad hubeysan oo xalay deegaan hoos yimaada Magaalada Guriceel ku dilay Macalin Dugsi iyo Nin dhaqtar ahaa oo ay walaalo ahaayeen.

Allaha u naxariistee ee labada Marxuum ayaa lagu kala magacaabi jiray Ditoor Axmad Xasan Cismaan iyo walaalkiis ka yar Macalin Liiban Xasan Cismaan.

Dilkaan ayaa ka dhacay Koonfurta Deegaanka Ceel-dheere Gaar ahaan Tuulo Lagu Magacaabo Ilix Duleed-keeda.

Sida ilo xog ogaal ah ay xaqiijiyay in dilka labadan ruux uu salka ku hayo Aano Qabiil, mana jiro ilaa hadda war ka soo baxay Maamulka Galmudug oo ku saabsan dhacdadan.