Balcad-KNN-Dagaal u dhexeeyaya labo maleeshiyo Beeleed ayaa haatan ka socdo Deegaan lagu magacaabo Caro badan oo dhexeeya Magaalooyinka Balcad iyo Muqdisho.
Dagaalkan ayaa yimid kadib markii dhul halkaasi ku yaalla ay isku qabsadeen labada beelood, waxaana la soo warinayaa inuu khasaaro lixaad leh uu ka dhashay dagaalkaasi.
Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in deegaanka uu dagaalka ka socda ay saakay ka barakaceen dadka Shacabka ah ee dega deegaankaasi, kadib markii cabsi badan ay soo wajahday.
Inta la xaqiijiyay labo qof ayaa ku geeriyootay dagaalka ka socda inta u dhexeeyay Muqdisho iyo Balcad gaar ahaan deegaanka Caro badan,sida uu soo sheegayo Weriyaha KNN ee Gobalka Shabeellada Dhexe.
Ma jiraan weli wax faahfaahin ah oo ka soo baxay Maamulka deegaanka.
Wixii ku soo kordha la soco.