Wanlaweyn-KNN-Dagaal xoogan ayaa ka soconaya degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Dagaalka oo ah mid xoogan ayaa waxaa lagu soo sheegayaa inuu saaka aroortii hore uu ka qarxay gudaha degmadaasi.
Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in dagaalka uu u dhexeeya maleeshiyo isku heeb ah oo wada dega degmada Wanla weyn ee Gobalka Shabeellada Hoose.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii muran uu ka dhashay Jidgooyo ay isku qabteen Maleeshiyaadkaasi hubeysan ee dagaalamaya.
Ilaa iyo hada lama oga Khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi.
Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Degmada Wanlaweyn iyo kan Gobalka Shabeellada Hoose.