Somali News

Maleeshiyaad Suuriyaan ah oo ku biiray dagaalka Azerbaijan iyo Armenia

Hey’ad kor kala socota colaadda ka oogan Suuriya iyo hogaamiye ka tirsan mucaaradka Suuriya, ayaa sheegay in boqolaal ka tirsan maleeshiyaadka Mucaaridka Dowlada Suuriya oo laga diray dalka Turkiga ay ku biireen dagaalka u dhaxeeya dalalka Azerbaijan iyo Armenia, si ay gacan u siiyaan ciidamada Azerbaijan.

Heyadda xuquuqda aadanaha ee kormeerta dagaalka sokeeye ee Suuriya ayaa Talaadadi sheegtay in ciidan ka badan 300 la geeyay Azerbaijan oo xulafo dhaw muddo dheer ah la ahaa Turkiga.

Ziad Hajj Obeid, oo ka mid ah taliyaasha xoogga mucaaradka Suuriya ee uu Turkigu taageero, ayaa telefashinka Rudaw TV ee gobolka Kurdistan ee dalka Ciraaq u xaqiijiyay ciidamdaasi. Dowladaha Turkiga iyo Azerbaijan ayaa labaduba beeniyay ciidamadaasi.

Dagaalka u dhaxeeya Azerbaijan iyo Armenia oo maanta galay maalinti afraad, ayay wararku sheegayaan in ay ku dhinteen ku dhawaad 100 qof oo ay ku jiraan dad rayid ah. Labada waddan ayaa isku heysta gobolka Nagorno-Karabakh oo ka tirsan dalka Azerbaijan hase yeeshee dadka dagani ay kasoo jeedaan Armenia.