Somali News

Maleeshiyaad xalay ku dagaalamay Gobalka Sanaag.

Muqdisho-KNN-Wararka imaanaya  degmada Ceel Af-weyn ee Gobolka Sanaag ayaa sheegaya in xalay uu ka dhacey Dagaal u dhaxeeya labo maleeshiyo  beelod oo wada dega degaankaasi.

Dagaalka ayaa ka dhashey khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, sida ay goobjoogayaal u sheegeen KNN.

Inta la xaqiijiyay  hal qof ayaa ku dhintay , halka qofkana uu ku dhaawacmay dagaalkii ka dhacay deegaanka Ceel Afweyn ee Gobalka Sanaag.

Horay deegaano ka tirsan gobolka Sanaag waxaa ka taagan xiisad u dhexaysa ciidamada Puntland iyo Somaliland oo ku wada sugan duleedka deegaanka Yubbe.