Somali News

Maleeshiyaadkii ku dagaalamay Balanbale oo la kala qaaday.

Balanbale-KNN-Ciidamada Dowladda ayaa Ku guuleystay inay Kala Qaadaaan Ciidamo Maleeshiyo Beeleed ah oo Dhawaaan Ku Dagaaalamay deegaano Hoostaga Degmada Balanbale ee gobolka Galgaduud.

Dadaalada Xabad Joojinta ayaa waxaa qeyb qaadanaya masuuliyiinta ka tirsan Galmudug, culimada iyo waxgaradka ka soo jeeda deegaanada Galmudug.

Odayaasha ka soo kala jeeda Degmooyinka Guriceeel iyo Balanbale ayaa Ku Balamay in La Joojiyo Xiisada Colaadeed ee Muddo Ka Jirtay Deegaanno Hoostaga Balanbale.

Sidoo kale waxgaradka ayaa dowladda Soomaaliya iyo maamulka Galmudug ka dalbaday inaan ciidanka laga qaadin Balanbale, islamarkaana ay ka hortagaan colaada ku soo laalaabatay deegaanada ka tirsan Gobalka Galgaduud.