Uncategorized

Maleeshiyaadkii ku dagaalamay degaano ka tirsan gobalka Sool oo la kala qaaday.

Muqdisho-KNN-Wararka Naga soo gaaraya Degaano ka tirsan gobalka Sool ayaa waxaa uu sheegayaa in Maleeshiyaadkii ku dagaalamay degaanka Gumbur la kala qaaday,islamarkaana halkaasi lagu heshiiyay in Xabada la joojiyo.

Qaar ka mid ah waxgaradka ku baxay Colaada gobalka Sool ayaa warbaahinta u sheegay inay ku guuleysteen inay qaboojiyeen Colaada ka taagneed gobalkaasi,islamarkaana dhainacyadii dagaalamay ay isugu keenay,islamarkaana ay heshiisiiyeen.

Waxyaabaha lagu heshiiya ayaa waxaa ka mid ah.

  1. In la joojiyo colaada ka taagan gobalka sool.
  2. In gudi ka kooban labada dhinac la sameeyo.
  3. In mar dambe uusan dagaal ka dhicin deganada ka tirsan gobalka sool.
  4. In laga shaqeeyo nabada gobalka Sool

 

Ugu dambeyntii Degaanka Gumbur ee ka tirsan gobalka Sool ayaa waxaa mudooyinkii ugu dambeeyay ka taagnaa dagaal u dhexeeyay labo maleeshiyo Beeleed,iyadoona inta uu dagaalka socday uu ka dhashay khasaari isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Hayeeshee Madaxda ugu sareysa Maamulka Puntland ayaa horey odayaal ugu diray Gobalka Sool,islamarkaana waxaa ay ku taliyeen in la soo afjaro colaada ka jirta degaano ka tirsan koofurta gobalka Sool.