Somali News

Maliiyiin Muslimiin ah oo maanta taagan Banka Carafo

Muqdisho-KNN-Iyadoo maanta ay ku beegantahay 9 Bisha Dulxaj ayaa malaayiin Muslimiin ah waxaa ay taagan yihiin Banka Carrafo, si ay u gutaan Waajibaadka xajka .

Xujeyda Soomaaliyeed oo ay kamid yihiin madax ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa lagu qiyaasay inay gaarayaan 11-kun oo ruux, kuwaas oo nasiib u yeeshay in sanadkan ay soo xajiyaan.

Mas’uuliyiinta Qunsuliyadda dowladda Soomaaliya ee ku sugan magaalada Jidah ayaa sheegay inay si gaar ah ula socdaan xaaladda xujeyda Soomaaliyeed.

Maamulka Boqortooyada Sucuudi Carabiya ayaa aad u adkeysay ammaanka dadka muslimiinta ah ee kasoo kala xajiyay dunida Islaamka, waxayna ciidamo fara badan dowladda Sucuudi Carabiya soo dhigtay waddooyinka magaalada barakeysan ee Makka.

Waxaa la arkayay kumanaan qof oo muslimiin ah kuwaasi oo shkli ahaan isku muuqaal ah,islamarkaan xiran dharka cad,Sidoo kale waxaa gawaarida laga mamnuucay isticmaalka wadooyinka gala masaajidka barakeysan ee xaramka.

Istaaga buurta Carafo ayaa ah rugniga ugu muhiimsan ee Arkaanta xajka,sidasi darteedna dhamaan xujeydii ka qeybgashey ay halkaasi ku sugan yihiin,xiliga qorax dhaca ayaa u gudbidoona magaalada Mustalifa,hlkaas oo ilaa waaberigii ay ku sugnaan doonaan.

Wadamada Dunida Islaamka ayaa biri isku diyaarinaya u dabaal degga maalinta koowaad ee Ciidul Adxa.