Sports

Man City oo dooneysa inay iska iibiso ciyaaryahan Stones

Muqdisho-KNN-John Stones ayaa lagu soo waramayaa inay iska iibinayso kooxda heysata horyaalka Premier League ee Manchester City ka dib markii uu hoos u dhigay qaab ciyaareedkiisa xagaaagan.

Xiddiga heerka caalami ee dalka England ayaa haatan loo arkay inuu noqday doorka afaraad ee daafaca dhexe ka dib Vincent Kompany, Nicolas Otamendi iyo xidigii Janaayo yimid ciyaaryahan Aymeric Laporte.

Tababaraha City Pep Guardiola ayaa si rasmi ah u amaanay Stones xilli ciyaareedkan, sida laga soo xigtay The Sun, ka dib qaab ciyaareed kale oo aan wanaagsaneen daafaca dhexe ayaa layimid xagaagaan, 23 jirkaan ayaana ah ninka kaliya ee qadka dhexe daafac ka ciyaara ugu qaalisan City.

Liverpool iyo Arsenal ayaa ka mid ah kooxaha ugu sareeya horyaalka EPL kuwaas oo daneenaya xidigan, waxaana uu sheegay in uu miisaamayo macalin Pep xidigan inuu fasaxo.

Qalinkii:Aadam Aqyaar.