Sports

Man United oo diiday dalabkii lagu doonayay Pogba

Muqdisho-KNN-Manchester United ayaa iska diiday dalab lacageed oo raacsan ciyaaryahano oo ay ku dooneyso Barcelona inay ku qaadato ciyaaryahankeeda khadka dhexe Paul Pogba, sida laga soo xigtay warbixin ay soo saartay kooxda.

Red Devils ayaa lagu soo waramayaa in loo soo bandhigay 45 milyan oo ginni, sidoo kale lagu daray bartilmaameedkeda daafaca dhexe ee kooxda Barcelona Jerry Mina iyo ciyaaryahanka khadka dhexe Andre Gomes.

Sky Sport Italia ayaa sheeganeysa in United ay dib u dhigtay inay iska fasaxdo kooxda Manchester ciyaaryahan keeda 25 jirka ah.

Pogba ayaa dib ugu soo laabtay Old Trafford heshiis rikoor ah oo labo sanno ka hor ahaa, lakiin tan iyo intii uu macalin ka ahaa tababare Jose Mourinho waxaa ka dhex taagnaa Is fahan waa.

Ka dib markii uu soo bandhigay qaab ciyaareed wanaagsan oo uu u muujiyay xulkiisa France Koobka Adduunka, inkastoo Mourinho uu haatan doonayo inuu sii joogo xiddiggii hore ee Juventus oo uu ku soo laabto bandhigiisa wanaagsn kooxda Manchester.

Juve, oo mar hore u soo bandhigtay inay lawareegtay Cristiano Ronaldo xagaagan, ayaa sidoo kale soo bandhigtay xiisaha ay uqabaan Pogba.