Sports

Manchester City oo hogaamineysa tartanka loogu jiro saxiixa Jorginho.

Muqdisho-KNN-Manchester City ayaa udhaqaaqday saxiixa qadka dhexe ee kooxda Napoli Jorginho.

Liverpool ayaa loo tixgeliyey inay ugu cadcad yihiin xiddiga reer Italy kaasoo xilli ciyaareedkan ku riyaaqay qaab ciyaareed heersareeya khadka dhexe ee Napoli.

Si kastaba ha ahaatee, City ayaa wadahadalo wax ku ool ah layeelatay wakiilkiisa Joao Santos labadii isbuuc ee u danbeysay, waxaana ay rajaynayan City  inuu ku qanciyo ciyaryahankiisa inuu u dhaqaaqo Etihad xagaaga soo aadan.

Napoli ayaa u soo bandhigtay 26 jirkaan qandaraas cusub, halka Manchester United ay sidoo kale sameysay rabitaan ku aadan kubad sameeyaha reer Brazil, kaasoo u soo dhaqaaqay Italy isagoo 17 jir ah.

City ayaa dalbatay ciyaaryahanka Shakhtar Dontesk’s Fred bishii Janaayo, ciyaaryahanka reer Brazil ayaa doonaya inuu ku biiro, laakiin United ayaa dooneysa inay lasaxiixato 25 jirkaan shakhtar i ciyaara.

Taas bedelkeeda, Pep Guardiola ayaa la dhacay bandhiga Jorginho xilli ciyaareedkan, waxaana uu qirtay inuu si habsami leh ugu ciyaari karo qaab ciyaareedka City.

Tababaraha City ayaa doonaya inuu sidoo kale kooxda kusoo daro daafaca reer Brazil, Eder Militao oo ka mid ah kooxda Sao Paulo, halka Leicester weeraryahankeeda Riyad Mahrez uu wali yahay qorshahood soo xagaaga soo aadan.

Qalinkii:Aadam Aqyaar.