Sports

Manchester United Chelsea iyo Juventus oo ku dagaallamaya helitaanka ciyaaryahan Bellerin.

Muqdisho-KNN-Manchester United iyo Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay ku dagaalamayaan saxiixa daafaca Arsenal Hector Bellerin.

23 jirkaan ayaa qarka u saaran inuu ka tago Emirates dhamaadka xilli ciyaareedkan, inkastoo uu diiday dalabkii Barcelona ee sannadkii hore, islamarkaana uu qandaraas kula jiro Gunners kaas oo gaaraga ilaa 2022.

Sida laga soo xigtay wargeyska Isbaanishka ah Sport, Arsenal ayaa diyaar u ah inay u ogolaato ciyaaryahanka reer Spain inuu dhaqaaqo iyagoo isha ku haya lacagaha ay ku doonayaan inay ku taageeraan suuqa kala iibsiga ee Arsene Wenger.

Wargeyska ayaa sheegaya in labada kooxood ee United iyo Chelsea inay isha ku hayaan xaalada xidigaan, waxaana ay miisaamayaan inay dalab ugudbiyaan, laakiin Juventus ayaa ku jirta daneenta la doonayo xidigan si ay u buuxiso booskeeda daafaca.

Warar soo baxayay shalay ayaa sheegayay in Ihe Old Lady ay durbadiiba doonayso helida xidigan, iyadoo lacag dhan £ 44milyan ay ka wada hadleen labada kooxood waa Arsenal iyo Juventus.

Beller ayaa Arsenal ku soo biiray 2011 ka dib markii uu 8 sano la joogay kooxda Da’yarta Barcelona[flickr orderby=”latest” ]ū