Sports

Manchester United oo ka fiirsaneysa inay lasoo wareegto weeraryahanka Napoli Dries Mertens.

Muqdisho-KNN-Weeraryahanka kooxda Napoli Dries Mertens ayaa lagu soo waramayaa inuu diirada u saaran yahay kooxda Manchester United.

Ka dib markii United ay guuldarro 1-0 ah kala kulantay Brighton & Hove Albion ee horyaalka Premier League habeenkii jimcihii, Jose Mourinho ayaa u muuqda inuu ku faraxsan yahay inuu isbedel ku sameeyo kooxdiisa koowaad, waxaana ay u muuqataa inay ku haboon tahay inuu u dhaqaaqo helida xiddiga reer Belgium.

Sida laga soo xigtay jariiradda The Sun, United ayaa xiiseyneysa inay 30 milyan oo ginni bixiso madaama uu Mertens ka mid yihay mid u dhaliyay kooxdiisa 45 gool labadii xilli ciyaareed ee lasoo dhaafay.

Mertens ayaa ka ciyaari kara boosas badan oo ka mid ah seddexda weerar, waxay u badan tahay inay dalab u gudbiyaan.

labo sano oo kaliya ayaa ka hartay qandaraaskiisa ciyaaryahan Mertens, laakiin Napoli ayaa isha ku heysa inay horumarineyso qandaraaskiisa hadii ay kooxo ka baxsan Serie A ay soo galaan heshiiskiisa xidigan ay qorshaynayaan inay koox kabaxsan Serie A siiyaan.