Uncategorized

Maraakiibta Shiinaha oo markale howgal ka bilaabaya Xeebaha Soomaaliya xili eedeymo loo soo jeediyay

Muqdisho-KNN-Maraakiibta dagaalka ee dalka Shiinaha ayaa mar kale waxay   bilaabayaan in burcadda ka ilaaliyaan maraakiibta isticmaasha xeebaha Soomaaliya.

Howlgalkan ayaa waxaa uu baladayaa mid horay u sii jiray, waxaana ka qeyb qaadanaya ilaa 700 oo ciidan, 2 helicopter iyo 10 askar oo si gaar ah loo tababaray.

Howgalkaan ayaa imaanaya xili maalmo ka hor ay Kaluumeeysatadda gobolka Mudug Cabasho ka muujiyeen Maraakiib shisheeye oo ay sheegeen in ay Xaalufinayaan badda Soomaaliya islamarkaana ay ka hortaagan yihiin in ay Jilaabtaan.

Biyaha Soomaaliya waxaa ku sugan maraakiib ay leeyihiin Dowladado shisheeye oo ka mid ah Isbaheeysi Caalami ah oo la dagaalama Burcad Badeedda Soomaalida, kuwaas oo horay afduub ugu geeystay Maraakiib Ganacsi iyo Doomo dalxiis.

Waxaa lagu eedeeyay Maraakiibta caalamiga ah ee jooga Biyaha Soomaaliya in ay dhaafeen Shaqadii Burcad la dagaalanka, oo ay billaabeen in ay si sharci darro ah uga kaluumeeystaan Biyaha Soomaaliya.

Salaad Maxamuud Maxamed oo sheegay in uu yahay Gudoomiyaha Iskaashatadda kaluumeeysatadda Gobolka Muduga ayaa idaacadda kulmiye u sheegay in Maraakiibta ugu badan ee sida daran u xaalufiya biyaha Soomaaliya laga leeyahay Dalalka Shiinaha, Spain, Iran iyo Yamen.

Inta u dhexeysa Tuulooyinka Xeebaha Mudug ku yaala ee Faax iyo Daan-cad ayuu sheegay in ay Kaluumeeysiga ugu badan ka sameeyaan  Maraakiibta Ajanabiga ah.

Astaamaha Muujinaya in maraakiibta Kaluumeeysiga lagaleeyahay Dalalka Afarta ah ee Shiinaha, Spain, Iran iyo Yemen waa calamadda ay wataan, sida uu sheegay Salaad Maxamuud.

Masaafo dherer ahaan Xeebta u jirta 14 mile illaa 150 mile ayuu sheegay in ay Marakiibtu ka jilaabtaan.

Salax ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in ay shireen Dadka Deegaanka iyo Kaluumeeysatadda oo ay ka tashadeen wixii ay ka yeeli lahaayeen Maraakiibta ay ka cabanayaan, wuxuuna intaas ku daray in ay ka baqeen in Burcad-badeednimo loola Dagaalamo haddii ay isku dayaan in ay Gacan kala hratgaan Maraaakiinbta shisheeye.

Laga soo bilaabo 2008-dii, Maraakiibta dagaalka ee Shiinaha waxa ay ilaaliyeen ilaa 6,000 oo markan oo gargaar, raashin ah waday iyaga oo bad-baadiyay ama caawiyay 60 markab.