Somali News

Marakiib Sucuudigu leeyahay oo lagu weeraray Imaaraadka Carabta

Muqdisho-KNN-Labo maraakiibta Saliidda qaada ah ayaa lala bartilmameedsaday werar ula kac ah xilli ay marayeen xeebta Imaaraadka Carabta, sida uu sheegay Wasiirka Tamarta ee Sucuudiga.

Dhacdada ayaa ka dhcday meel u dhow Dekedda Fujeeyrah waxayna sababtay dhaawac soo gaaray maraakiibtii, ayuu sheegay Khaalid Al-Falix.

Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in la beegsaday Afar markabb oo dalal kala duwan laga leeyahay. Kamana dhalan dhimasho iyo dhaawac midna.

Wasiirka arrimaha Dibadda ee Iran ayaa dhacdadaas waxa uu ku tilmaamay mid  laga walwalo waxaana uu ku baaqay baaritaan buuxa in lagu sameeyo.

Xiisad ayaa ka jirta meesha oo ay marto ku dhawaad shan meelood Saliidda dunida laga isticmaalo.

Mareeykanka ayaa goobahaas dhawaan waxaa uu geeyay Maraakiib dagaal si looga hortago khatar ka imaan karta Iran. Iran ayaa eedeynta Mareeykanka ku tilmaantay mid aan macno lahayn.