Somali News

Maraykanka iyo ururka Taliban oo heshiis xabad joojin ah mar kale kala saxiixday

Doxa-KNN-Xoghayaha arrimaha dibbadda Maraykanka Mike Pompeo oo qadka internet-ka kula hadlay madaxa wadahadallada u qaabilsan ururka Taliban Mullah Baradar Akunda ayaa waxaa uu sheegay inay gaareen heshiis kale oo hordhac ah, kaas oo lagu dhameystirayo heshiiska nabadda ee dalka Afghanistan.

Warkaan oo ay baahisay warbaahinta Maraykanka waxaa lagu sheegay in wadahadalkaan dambe xooga lagu saaray heshiis xabad joojin in la xabsiyadda Afghanistan laga sii daayo qiyaastii kumanaan maxaabiisa oo dagaalamayaasha Taliban ka tirsan.

Afhayeen u hadlay ururka Taliban oo la yiraahdo Suhayl Shahiin ayaa asagoo Dooxa jooga u sheegay wakaaladda wararka AFP in kulankii dhanka internet-ka ahaa ee dhex maray wakiiladda kala matalayay Maraykanka iyo Taliban uu is faham ku dhamaaday.

Dhanka kale ciidamada Afghanistan ayaa dhawr saacadood kadib dib ula wareegay gacan ku haynta xabsi ku yaalla magaaladda Jalalabad ee bariga dalkaas, oo shalay ay weerareen koox hubeysan oo Daacish ka tirsanaa.

Weerarkaas waxaa ku geeriyootay 29 ruux in ka badan 40 kalena waa ay ku dhaawacantay.