Somali News

Maraykanka oo ciidan la dagaallama Al-shabaab usoo diraya Kenya

Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden ayaa ku dhawaaqay in ciidamo gaar ah uu usoo dirayo Kenya si ay gacan uga geystaan dagaalka ka dhanka ah dagaalamayaasha Al-shabaab.

Ciidankan gaar ah oo iskaashi xagga dagaalka iyo xogaha kale la wadaagi doona Millatariga dalka Kenya ayaanan la shaacin tiradooda iyo xilliga ay tagayaan dalka Kenya.

Ciidamada Maraykanka uu u soo dirayo Kenya ayaa la filayaa inuu wax badan ka qabto sare u qaadista ammaanka dalka Kenya, halkaas oo ay mararka qaarkood weerarro gaadma ah ka geystaan kooxda Al-Shabaab.

AL-shabaab ayaa dhowr jeer waxa ay weerarro ka geesteen gudaha iyo gobolada dalka Kenya iyadoo AL-shaabab ay inta badan dilal ka geestaan gobolka waqooyi Bari ee dalkaas iyadoo ay ku dileen dad badan oo u kula safra magaalooyinka dalkaas.