Wasaaradda Arrimaha dibadda dalka Maraykanka ayaa sheegtay in baaritaan madax banaan lagu sameeyo saddex shaqaale oo ka tirsan MSF oo lagu dilay Gobolka Tigreey ee waqooyiga dalka Ethiopia.
Wasaaradda ayaa tilmaamtay in xukuumadda Ethiopia ay damaanad qaado nabad galyada shaqaalaha caafimaad ee Ethiopia ka howlgala una dhashay dalka maraykanka.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ethiopia ayaa barteeda Twitterka kusoo qortay inay ka xuntahay dilka Shaqaalaahaasi loo geystay islamrakaana loo baahan yahay baaritaan dhab ah oo lagu sameeyo dilka loo geystay shaqaalahaas u dhashay dalkaas.


