Somali News

Maraykanka oo hawada ka saaray baro Internate

Washington: Waaxda cadaaladda dalka Maraykanka ayaa ku dhawaaqday inay jabsatay oo ay la wareegtay in ka badan 30 website oo ay leeyihiin warbaahinta dalka Iran kuwaa oo aan hadda shaqaynayn.

Websityada hawada laga saaray ee Maraykanku la wareegay oo tiradoodu gaarayso 33 website ayaa waxaa ugu caansan bayjka telefishinka afka dawlada Iran ku hadla ee Press Tv, kan telefisihinka Xuutiyiinta Yemen ee Al-Misrata, bayj ay leeyihiin koox Shiica oo Ciraaq ka dagaalanta oo Al-Kataa’ib la yiraahdo kan ururka Xisbullah Website uu leeyahay ururka reer Falastiin ee Xamaas iyo kuwa kale oo fara badan.

Bogga Telefishin ay leeyihiin mucaaradka dalka Baxreyn oo ku yaala dalka Ingiriiska oo la yiraahdo Lu’lu ayaa asna lala wareegay manta.

Dadka soo booqda bogagaan ayaa arkaya qoraal saaran oo loogu sheegayo in Maraykanku haysto oo ay hadda shaqaynayn.

Warbaahinta bogagii ay internetka ku lahaayeen lala wareegay qaarkood ayaa baahintooda u wareejiyay ciwaano kale oo ay sameysteen