Uncategorized

Maraykanka oo ka hor yimid Qaraar laga keenay go’aankii magaalada Qudus ee Trump.

Muqdisho-KNN-Dowladda Maraykanka ayaa ka hor timid qaraar qabyo ah oo la horgeeyay Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay kaas oo ku saabsanaa go’aankii Maraykanka ee Qudus.

Mareykanka ayaa codka diidmada  ee Veto-ga u adeegsaday qaraar-kaan qabyada ah oo golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ay hor keentay Dowladda Masar

Qaraarka ayaa ku baaqayay in dib looga laabto go’aankii Trump ugu aqoonsaday Qudus caasimada Israa’iil.

Dhammaan 14-ka xubnood ee kale ee golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay qaraarka la horkeenay Golaha.

Nikki Haley oo ah Danjiraha dowladda Mareykanka u fadhida Qaramada Midoobey, ayaa ku tilmaamtay waxa dhacay in uu yahay aflagaado aan la hilmaami doonin.

Afhayeen u hadlay Dowladda Falastiin ayaa ku tilmaamay adeegsiga Codka Diidmada ee mareykanku mid aad loogu xumaado, islamarkaana ay cambaareynayaan,