Somali News

Maraykanka oo ku dhawaaqay in uu ciidamo geynayo Sucuudiga

Muqdisho-KNN-Maraykanka ayaa ku dhawaaqay in uu qorshaynayo in uu ciidamo u diro Sacuudi Carabiya kaddib weerarradii lagu qaaday warshadaha shidaalka ee dalkaas.

Xoghayaha Difaaca Mark Esper ayaa saxafiyiinta u sheegay in ciidamada halkaas lagu daad guraynayo ay yihiin “kuwo wax iska caabbin ah”, ilaa iyo haddana lama sheegin tirada ciidamada ee halkaas la gaynayo.

Xuutiyiinta ay taageerto xukuumadda Iran ayaa sheegtay masuuliyadda weerarradii toddobaadkii hore lagu qaaday laba warshadood oo kuwa shidaalka ah.

Hase ahaatee Maraykanka iyo Sucuudiga labaduba waxay masuuliyadda weerarkaas ku eedeeyeen xukuumadda Iran.

Si kastaba ha ahaatee, madaxweyne Trump ayaa Jimcihii ku dhawaaqay in uu Iran ku soo rogi doono cunaqabatayn “heerkeedu sarreeyo” asagoo sheegay in uu ka dheeraanayo tallaabo militari.

Mr Trump ayaa sheegay in cunaqabatayntan cusub diiradda lagu saarayo bangiga dhexe ee Iran iyo hantidiisa madaxa bannaan.