Uncategorized

Maraykanka oo markale Difaacay Dilkii uu u gaystay Taliyihii iiraan u dhashay Qasim Sulaymani.

Xoghayaha Arimaha Dibadda maraykanka Mike Pompeo ayaa goor dhaw waxaa uu markale difaacay Go’aankii uu saxiixay madaxwaynaha Maraykanka Doneld Trump ee jimcihii aynu kasoo gudubnay lagu dilay hoggaamiyihii guutada qudus ee militeriga dalka iiraan laf dhabarta u ahaa Qasim Sulaymani.

Pompeo ayaa cadeeyay in Generalkaasi uu Qatar wayn ku ahaa Danta Dowladda Maraykanka ee Bariga dhexe islamarkaana uu ahaa Dagaal ooge xasilooni dari ka abuurayay Gobolka.

“Su’aashan ah maxaa loogu dag dagay dilka generalka waa ay nagu soo lab laabatay balse waxaan cadaynayaa in xukuumada washinton ay mudo dheer ka baaraan dagtay dilka Taliyahaasi ayuu hadalkiisa kusoo koobay.

Xiisad siyaasadeed oo ku dhaw dagaal toos ah oo dhexmara dowladaha Iran iyo Maraykanka ayuu dilkaasi sababay iyadoona saacadba saacada ka dambaysa ay labada dhinac warbaahinta isku marinayaan hadalo kul kulul.