Somali News Uncategorized

Maraykanka oo shaqaalahii safaaradiisa kala baxay Myanmar

Yangoon-KNN: Maraykanka ayaa sheegay inuu kala baxay dhamaan shaqaalahiisa ka joogay safaaradda uu ku leeyahay magaalada caasimada u ah dalka Myanmar ee Naypyitaw la yiraahdo.

War kasoo baxay waaxda arrimaha dibbadda Maraykanka ayaa shheegay in shaqaalahooda ay ka saareen dalkaas waxaana safaaradda ku haray ciidamo illaalo ah oo kaliya.

Maraykanka ayaa sheegay inuu xiriirkii ganacsi u jaray militryga afgambiga ku qabsaday talada dalka Myanmar bilowgii bishii hore ee February

Dhanka kale rabshadaha ay dhigayaan dadka dibadbaxayada ka dhanka ah militryga ayaa sii xoogaystay waxaana ciidamadu sidoo kale maanta toogteen illaa 6 ruux magaalada Yangoon.