Uncategorized

Maraykanka oo sheegay in Dagaalamayaal ka tirsan Shabaab ay ku dileen duqeyn ka dhacay G/Baay.

Baydhabo-KNN-Taliska Ciidamada Maraykanka ee AFRICOM ayaa qoraal ay soo saareen waxay ku sheegeen in dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay ku dileen duqeyn ka dhacay Nawaaxiga degmada Diinsoor ee Gobalka Baay.

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in duqeyntaasi ay subixii hore ee Taaladadii la soo dhaafay geesteen Diyaaradaha wax duqeeya ee aan duuliyaha lahayn waxa ayna sheegeen in lala beegsaday Fariisamo Al-Shabaab ay ku lahaayeen meel u dhaw degmada Diinsoor ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Anthony Falvo oo ah Afhayeen u hadlay AFRICOM, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press in meesha la duqeeyey aysan ka ag dhaweyn dad rayid ah, balse keliya la beegsaday saldhig Shabaab.