Somali News

Mareeykanka oo cusbooneeysiiyay cuneqabateeynta Kuuriyadda Woqooyi.

Muqdisho-KNN-Madaxweeynaha Mareeykanka ayaa cusbooneeysiiyay cune qabateeynta kuuriyadda Woqooyi, isagoo sheegaya “in qatar aan caadi ahayn ay kasoo fool leedahay kuuriyadda Woqooyi” 10 maaalmood uun kadib markii uu sheegay in aysan jirin Qatar ka imaaneeysa xukuumadda Pyongyang.

“majirto Qatar nuclear oo kuuriyadda Woqooyi ka imaaneeysa” ayuu twiter-kiisa kusoo qoray 13 kii June oo ahayd maalin uun ka dib markii uu Singapore kula kulmay Hugaamiyaha Kuuriyadda Woqooyi Kim jong un.

Tilaabadaan waxaa ay imaneeysaa iyadoo Mareeykanka iyo kuuriyadda koofureed ay in la badan labo dhoolotus military ah oo ay qaban lahaayeen.

Gaashaandhigga mareeykanka ayaa sheegay in yoolku uu yahay in wada hadaladda dublamaasiyadda la taageero.