Somali News

Mareykanka iyo Shiinaha oo ka wada hadlay dagaalkooda Ganacsiga

Muqdisho-KNN-Shiinaha iyo Maraykankaa ayaa Magaaladda Washington ku yeeshay wadahadallo ganacsiga ku saabsan, sida ay baahisay Wakaaladda Wararka ee Xinhua.

Labadda Dowladood waxay ku heshiiyeen in ay sii wadaan wadahadallada ganacsiga iyo arrimaha kale ee ku gadaaman, wareegga labaadna la qabto Bisha October ee Sanadkaan.

Ergooyin kala matalaya labadda Dowladood ayaa ka dooday sidii ganacsiga u dhexeeya wadamadda dunida ugu dhaqaalaha badan uu u noqon lahaa mid dagaaal iyo xifaaltan ka maran.

Donald Trump ayaa alaabta Shiinaha kusoo rogay Canshuur kadib markii uu ku eedeeyay in uu sinaan la’aan kula ganacsado Maraykanka. Shiinuhuna isagoo ka aargoosanaya ayuu canshuur la beegsaday badeecadda Maraykanka.

Dagaalka ganacsi ee Xukuumadaha Washington iyo Beijing ayaa saameeyay dhaqaalaha aduunka waxaana sameyntaas durba laga dareemay kororka dhaqaala shiinaha oo meel hoose gaaray.