Uncategorized

Mareykanka oo amaro dul dhigay Garsoorayaasha u xil saaran kiisaska dadka soo galootiga ah

Muqdisho-KNN-Waaxda caddaaladda ee Maraykanka ayaa waqti  u qabatay garsooreyaasha gacanta ku haya kiisaska dadka soo galootiga ah si ay durba go’aan uga gaaraan, sida ay ku warrantay warbaahinta Maraykanka

Garsooreyaasha ayaa loo sheegay in ay sannadkasta ku soo afjaraan 700 oo kiis, “si loogu qanco” shaqada ay hayaan.

Laakiin dadka arrintan dhaliishan waxay sheegayaan in arrintaas ay horseedi doonto in dacwadaha si degdeg ah loo soo afjaro iyadoo dhammaan tallaabooyinkii loo baahnaa aan la qaadin.

Waxaa la qiyaasay in dad gaaraya 600,000 oo ruux ay sugayaan in maxkamadaha Maraykanku ay dhagaystaan dacwadahooda socdaalka ee maxkamadaha Maraykanka yaalla.

Sabtidiina madaxweyne Trump wuxuu xubnaha Jamhuuriga ee aqalka Congress-ka ka dalbaday in ay meelmariyaan shuruuc adadag oo ka dhan ah soogalootiga.

Waxaa kale oo uu ku celiyay sida uu uga soo horjeedo in sharciyo la siiyo boqolaalka kun ee soo galootiga ah ee Maraykanka la geeyay iyaga oo carruur ah.

Devin O’Malley afhayeen Waaxda caddaaladda oo ka hadlaysa waqtiga mucayanka ah ee loo qabtay Garsoorayaasha waxay sheegtay in arrintaasi ay xaqiijin doonto in dacwadaha lagu soo afjaro “wakhti kooban oo si fiican loo diyaariyay isla markaasna laga faa’iidaystay.

Wuxuu kaloo sheegay in hadda ay garsooreyaashu sannadkasta go’aan ka gaaraan 678% celcelis ahaan, laakiin qaarkood ay dhamaystiraan 1,000 kiis, sida uu ku warramay wargayska Washington Post ee ka baxa dalka Mareykanka.

Laakiin ururka ay ku midaysan yihiin garsooreyaasha arrimaha socdaalka ee magaciisa loo soo gaabiyo NAIJ ayaa sheegay in habkan qoonduhu uu keensan karo caqabado dhanka sharciga ah.

Soomaali badan oo hadda ku xiran Mareykanka ayaa ka mid ah dadkaan kiisaskooda la doonayo in sanadkaan lagu soo gaba gabeeyo kuwaas oo loo haysto qaabka ay ku soo galeen dalkaas Mareykanka.